Dowlada Jubaland oo si adag u cambaareysay weerar hoobiyayaal ah oo lagu qaaday shacabka Beledxaawo

0
162
WAR-SAXAAFADEED
25 Luulyo 2025 – Kismaayo, Jubaland.
Dowladda Jubaland waxay si adag u cambaareyneysaa weerarka hoobiyeyaasha ah ee maanta lagu qaaday magaalada Beledxaawo ee Gobolka Gedo, waxaana falkan fuliyay ciidamo ku sugan Xerada UK ee duleedka Magaalada, kuwaas oo uu eedaysane Xasan Sheekh Maxamuud u adeegsanayo xasuuqa iyo barakicinta dadka shacabka ah.
Weerarku oo loo adeegsaday hoobiyayaal laga soo tuuray xerada Uk, wuxuu si toos ah ugu dhacay shacabka aan waxba galabsan, taas oo caddeyn u ah qorshe gardarro ah oo si ula kac ah loogu beegsanayo dadka rayidka ah.
Weerarkan bahalnimada ah waxaa ku geeriyooday laba qof oo shacab ah, kuwaas oo hoobiyayaashu ugu tageen iyagoo guryahooda jooga, iyadoo sidoo kale ay jiraan dad kale oo dhaawacyo soo gaaray.
Ficillada noocan ah waa kuwo aan la aqbali karin isla markaana tariikhda u galay eedaysane Xasan Sheekh Maxamuud, waana mas’uuliyad dastuuri ah in Dowladda Jubaland ay difaacdo dhulkeeda iyo dadkeeda.
Waxaan ugu baaqeynaa shacabka Gobolka Gedo in ay gacmaha is qabsadaan, midnimo muujiyaan, isla markaana ka hortagaan ficillada bahalnimada ah ee uu wado eedaysane Xasan Sheekh Maxamuud.