
Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida iyo Dambiyada Culus ee Dowladda Jubbaland ayaa maanta soo gabagabeysay dhageysiga dacwadda ka dhanka ah eedeysane Ibraahim Cismaan Laasow, oo loo haysto dilka Alle ha u naxariistee wariye Abshir Khaliif Shiide, oo ka mid ahaa wariyeyaashii ka howlgelayay magaalada Kismaayo.
Intii uu socday dhageysiga, Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa ku dooday in eedeysanuhu geystay dil ula kac ah, isla markaana uu maxkamadda ka codsaday in lagu qaado tallaabada sharcigu dhigayo.
Dhinaca kale, qareenka difaaca eedeysanaha ayaa sheegay in falkaasi uusan ahayn mid ula kac ah, balse uu si kama’ ah u dhacay xilli eedeysanuhu gudanayay waajibaadkiisa amni.
Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida iyo Dambiyada Culus ee Dowladda Jubbaland, Gaashaan Sare Cabdullaahi Maxamuud Ibraahim, ayaa ku dhawaaqay in la soo gabagabeeyay dhageysiga dacwadda, isagoo xusay in Maxkamaddu ay xukunka kiiskan Ka soo saari doonto



![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







