Akhriso:-War-Murtiyeed Laga Soo Saaray Shirkii Guddiga Farsamada Ee Baydhabo

935

Waxaa xalay Magaalada Baydhabo lagu soo gaba-gabeeyay Shir laba maalin uga socday Guddiga Farsamada ee ka socday dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, iyadoo shirkaas War-murtiyeed laga soo saaray.

Shirka Guddiga oo ka kooban 14-xubnood ayaa waxaa looga hadlayay inta uu socday qodobadii la isku mari waayay ee shirkii dhawaan Madaxda ku yeesheen Magaalada Dhuusamareeb ee natiijo la’aanta kusoo dhammaaday.

War-murtiyeedka kasoo baxay Shirka Guddiga ayaa waxaa lagu sheegay in heshiis looga gaaray Illaa Shan qodob oo kala ahaa Arrinta Guddiga doorashada ee lagu muransanaa, Arrinta Somaliland iyo Xaalada Gobolka Gedo, inkastoo aanay faah faahin qaabka xalka uga gaareen, iyagoo ku gaabsaday inay Madaxda la wadaageen.

Ugu dambeyn  Guddiga ayaa ku baaqay in 18-02-2021 Madaxda muddo xileedkoodu dhamaaday ee Dowlada Federalka,Dowlad Gobeedyda iyo Gobolka Banaadir shir deg deg ah ay isugu yimaadaan, in kastoo aysan shaacin halka rasmiga ah ee shirkasi lagu qabanayo.

Si kastaba heshiiskaan ay Baydhabo ku gaareen guddiyadii ka kala socday dowladda Federaalka, dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Xubnaha Midowga musharixiinta ay abaabulayaan banaanbax ka dhan ah Madaxwyene Farmaajo, kaas oo ay sheegeen in Jimcaha todobaadkaan lagu qabanayo Taalada Daljirka Daahsoon ee degmada Boondheere.

Hoos ka Akhriso War-murtiyeedka laga soo saaray Shirka Guddiga Farsamada