Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa ka tacsiyeeyey geerida allah u naxariiste wasiir ku xigeenka wasaaradda Deeganka iyo isbedelka Cimilada dowladda Jubbaland

0
275

Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa ka tacsiyeeyey geerida allah u naxariiste wasiir ku xigeenka wasaaradda Deeganka iyo isbedelka Cimilada dowladda Jubbaland oo maanta ku geeriyooday magaalada muqdisho.

“Waxaan uga tacsiyeynayaa qoyskiisa iyo guud ahaan shacabka reer Jubaland geerida naxdinta leh ee ku timid Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamuud Cabdinuur Beexaani, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada ee Dowladda Jubaland, oo goordhow ku geeriyooday magaalada Muqdisho”

Marxuumku wuxuu ahaa masuul si mug leh ugu soo shaqeeyay dalkiisa, una adeegay si daacadnimo iyo xilkasnimo leh. Waxa uu door muuqda ka qaatay arrimaha deegaanka iyo la tacaalidda isbeddelka cimilada.

Waxaan Ilaahay uga baryayaa inuu naxariistiisa Janno ka waraabiyo.

Sidoo kale waxaan si gaar ah ugu tacsiyeynayaa qoyskiisa, eheladiisa, bahda wasaaradda, iyo dhammaan shacabka Jubaland. Waxaan Alle uga baryayaa inuu marxuumka ka waraabiyo Jannatul Firdowsa.

Aaamiiin.