Saraakiisha Ciidamada Dowladda Jubbaland iyo Danab oo Shacabka Buulo-Xaaji Kula Dardaarmay in ay ka qeyb qaataan Sugidda Amniga.

0
267
Saraakiisha Ciidamada Dowladda Jubbaland iyo kuwa Kumaandooska Danab ayaa kulan wacyigelin ah la yeeshay shacabka ku dhaqan deegaanka Buulo-Xaaji ee gobolka Jubbada Hoose.
Taliyaha Guutada Birjeex ee Ciidanka Jubbaland, G/Sare Nuur Cabdi maxamed (Nuur Ilkacase), iyo Taliyaha Ururka 162-aad ee Kumaandooska Danab, Caarif Hire Salaad, ayaa shacabka kula dardaarmay in ay door mug leh ka qaataan sugidda amniga iyo xasilloonida deegaanka.
Saraakiisha ayaa xusay in nabadgalyada aysan ahayn masuuliyad kaliya ku kooban ciidamada, balse ay tahay mid ay wadaagaan dhammaan bulshada.
Bulshada deegaanka Buulo-Xaaji ayay ugu baaqeen in ay la shaqeeyaan hay’adaha ammaanka, isla markaana ay soo sheegaan cid kasta oo wax u dhimeysa amniga guud ayguna ay gacan bir ah ku qaban doona Kuwa lugta leh falalka amin daro.
+3