
Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Jubbaland, mudane Caydiid Sulaymaan Xaashi ayaa Magaalada Kismaayo ka daah furay Barnaamij Xog uruurin iyo qiimayn ah oo ku saabsan Isbadalka Cimilada, kaas oo ay fulinayso Hay’adda Deegaan Relief Services (DRS),
Barnaamijkan oo qayb ka ah Mashruuca UGBAAD oo ay taageereyso Hay’adda FAO, ayaa ah mid waxtar u leh deegaanada Jubbaland oo laga fulinayo.
Munaasabadda daahfurka ayaa waxaa goob joog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda deegaanka, madax ka socotay Hay’adda Deegaan Relief Services (DRS), Masuuliyiinta iyo howlwadeenada Wasaaradda ee ka shaqaynaya baraamijka iyo shaqaalaha guud ee Wasaaradda Deegaanka
Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada Jubbaland Caydiid Suleymaan Xaashi oo Barnaamijkan daah furay ayaa si wayn ugu dheeraaday muhiimadda uu leeyahay, isagoona geesta kale ku dardaarmay in loo fuliyo sidi loo qorsheeyay.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







