Guddoomiyaha Guddiga Shaqaaaha Ra’yidka Koonfur Galbeed oo shir guddoomiyey shirka agaasimiyaasha guud oo lixdii biloodba mar la qabto oo loogu hadlay waxyaabihii guddiga u qabsoomey

209
Guddoomiyaha Guddiga Shaqaalaha Rayidka Koonfur Galbeed Mudane sharmarke Mohamed Kuulow oo shir guddoomiyey shirka agaasimiyaasha guud oo lixdii biloodba mar la qabto oo ka dhacay Xaruunta Wasaaradda Qorsheynta Koonfur Galbeed.
Shirkan waxaa ka qeybgalay inta badan Agaasimiyaasha guud ee Wasaaradaha Koonfur Galbeed muddadii uu socday Kulanka waxaa diiradda lagu saaray sidii loo horumarin lahaa adeegyada bulshada ee wasaaraduhu bixiyaan, iyadoo la isku dayayo in la helo adeegyo tayo sare leh oo ku saleysan hufnaan iyo waxqabad muuqda.
Kulanka waxaa si gaar ah loogu falanqeeyay sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta iyo isku xirnaanta hay’adaha dowladda, taas oo muhiim u ah sidii loo dardargelin lahaa hannaanka fulinta howlaha wasaaradaha. Waxaa lagu tilmaamay in wada shaqeyntu tahay furaha guusha iyo horumarka adeegyada bulshada.