Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Jubbaland oo Afmadow ka Daahfurtay Tartan Ciyaareed Lagu Dhiirrigelinayo Nabadda iyo Is-dhexgalka Bulshada

0
309
Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Dowladda Jubbaland, oo kaashaneysa hay’adda Saaro, ayaa tartan ciyaareed furan u qabatay kooxaha kubbadda cagta ee ka dhisan degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose, kaas oo lagu xoojinayo is-dhexgalka bulshada iyo nabadda.
Tartankan ciyaareed oo ay ka soo qayb galeen bahda ciyaaraha degmada Afmadow, dhallinyarada, iyo qaybaha kale ee bulshada, ayaa lagu dhiirrigelinayay nabadda iyo dhismaha mustaqbalka jiilka soo koraya, si wax looga qabto caqabadaha ay ka mid yihiin tahriibta iyo ku biirista fikradaha xagjirka ah.
Bahda ciyaaraha degmada Afmadow ayaa dhallinyarada ku boorrisay in ay door muuqda ka qaataan xoojinta nabadda iyo dhismaha bulsho horumarsan.