Dowladda Mareykanka oo shaacisay in 30 ka mid ahaa Maleyshiyaadka Al Shabaab lagu dilay duqeyn laga fuliyay duleedka Degmada Galcad

456

Dowladda Mareykanka ayaa shaacisay in 30 ka mid ahaa Kooxda Al Shabaab lagu dilay duqeyn laga fuliyay duleedka Degmada Galcad ee Gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Duqeyntan oo ka dhacday degaan qiyaas ahaan 260 km dhanka waqooyi bari uga beegan Magaalada Muqdisho.

Bayaan ka soo baxay Taliska Africom ayaa lagu xusay in weerarka lagu dilay ugu yaraan 30 ka mid ahaa Al Shabab islamarkaana lagu burburiyay ilaa sedex gaari.

Taliska Africom wuxuu sheegay in duqeynta ay aheyd mid lagu caawinayay Dowladda Federaalka Soomaaliya, kadib markii Al Shabab ay weerar ku qaadeen Saldhig ciidan oo ku yaalla Degmada Galcad.

Duqeynta ayaa Africom waxay ku sheegeen in lagu beegsaday Xubno ka tirsanaa Al Shabaab oo fuliyay weerarkii lagu eekeeyay saldhiga Ciidanka Danab.

Weerarkii ka dhacay Galcad ayaa lagu dilay Saraakiil iyo Askar oo uu ka mid ahaa Taliye ku xigeenkii Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab.

Bayaan ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu xusay in Ciidanka Xoogga ay iska caabiyeen weerarka, islamarkaana ay halkaasi ku khaarajiyeen in ka badan 100 xubnood oo ka mid ahaa Al Shabaab.

Bayaankii ka soo baxa Dowladda waxaa lagu sheegay in Ciidanka Xoogga laga dilay ugu yaraan 7 askari intii uu socday weerarkii ka dhacay Degmada Galcad.