Dowladda Jubbaland oo Xoojinaysa Daryeelka Hooyada iyo Dhallaanka Tuulooyinka Fog

0
333
Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Dowladda Jubaland ayaa maanta si rasmi ah uga daahfurtay wajiga saddexaad ee barnaamijka “Marwo Caafimaad” saddex degmo oo ka tirsan Jubaland.
Barnaamijkan oo lagu tababarayo gabdho u xilsaaran daryeelka hooyada iyo dhallaanka, ayaa lagu waddaa in uu xoojiyo adeegyada caafimaad ee tuulooyinka fog ee deegaanada Jubaland.
Munaasabadda daahfurka ayaa waxaa ka soo qeyb galay xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Jubaland, oo uu ugu horreeyo Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, mas’uuliyiin ka socday maamulka degmada Kismaayo, macallimiinta tababarka bixinaya, iyo shaqaale ka socda waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda Caafimaadka.
Tababarkan oo socon doona muddo 35 maalmood ah, ayaa diiradda saari doona arrimo ay ka mid yihiin: la socodka uurka, wacyigelinta la xiriirta nafaqo-darrada, gurmadka degdegga ah, iyo adeegsiga hababka casriga ah ee xog-ururinta caafimaadka