Dhageeyso” Gudoomiyaha Golaha Aqalka Sare Doorashada waqtigeeda Ayay Ku Dhaceysaa Majirto Wax Dib Loo Dhigaayo”

1085

Gudoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi-Xaashi Cabdullaahi oo Wareysi Gaar Ah siiyay Idaacada Radio Kismaayo Codka Jubaland isagoo kusugan wadanka turkiga ayaa waxa uu ka hadlay arimo ku aadan doorashada dalka soomaaliya oo mudooyinkii dambe la isla dhexmarayay in ay jiraan qorsho dib looga dhigaayo qabsoomida doorashada dalka.

Gudoomiye Cabdi-Xaaashi Cabdullaahi ayaa wareysigiisu ku sheegay in ay been tahay doorashada dalka maadaama uu carabaabay in aanu ka baarlamaan ahaan xilligaanu ogolayn dib udhigidda doorashada dalka.

”majiraan wararka sheegaayo in dib loo dhigayo doorashada dalka ama muddo kororsi loo samaynaayo baarlamaanka iyo madax-weynaha anigu waxaan ogahay in arintaa guddi labada aqal ee baarlamaanka ay gacanta ku hayaan horaanta bisha may ay bilaaban doonto soo bandhigida qorshaha doorashada dalka oo ay soo diyaariyeen guddiga labada aqal ee baarlamaanka dalka.

Hoos ka dhageeyso Wareysiga Gudoomiyaha Aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya Senetar Cabdi-Xaashi Cabdullaahi.