Mid ka mida Kooxa Kubada cagta ee Jubbaland oo lagu wareejiyey gaadiid.

935

Munaasabad si heer sare loo agaasimay oo ay ka soo qeybgaleen wasiirro ka tirsan Jubbaland, Madaxda Rugta ganacsiga iyo warshadaha Jubbaland, masuuliyiinta xiriirka kubadda cagta Jubbaland, Gudoomiyaasha qaar ka mid ah, kooxaha heerka 1-aad ee Jubbaland, xubno ka mid ah taageerayaasha kooxda, maamulka iyo ciyaartooyda kooxda JCCI ayaa gaari bas ah lagu gudoonsiiyey.

Madaxdii kala duwanayd ee madasha ka hadashay ayaa bogaadiyay dadaalka ay kooxda JCCI Muujisay mudadii yarayd ee ay dhisnayd.

Gudoomiyaha Kooxda JCCI Ismaaciil Cali Cabdi ayaa ka sheekeeyey marxaladihii kala duwanaa ee ay kooxda soo martay iyo halka ay maanta joogto isagoo sheegay in dadaalkaasi la sameeyay uu ku yimid dhiirigelinta madaxda JCCI oo uu ugu horeeyo Gudoomiye Shaafi Raabi.

Macallinka Kooxda JCCI Mudane Cabdiqaadir Boos  ayaa u mahadveliyay madaxdii ka soo qeyb gashay Xafladda wuxuuna ka codsaday masuuliyiinta JCCI in tallaabada xigta ay ka dhigaan in mushaar loo qoro ciyaartooyda.

Gudoomiyaha xiriirka kubadda cagta Jubbaland Mudane Axmed Faarax Taqal ayaa ku amaanay maamulka iyo ciyaartooyda JCCI sida ay u ilaaliyaan nidaamka u yaal Isboortiga isagoo sheegay in kooxda oo eber ka soo bilowday ay maanta hoggaanka labba jeer  heeyso kooxaha heerka 1-aad ee Kubadda cagta Jubbaland.

Agaasimaha waaxda Isboortiga Jubbaland Mudane Saacid Maxamed Cali ayaa uga mahadceliyay madaxda JCCI dhiirigelinta ay u sameeyeen kooxda isagoo ugu baaqay madaxda kooxaha kale taageera in ay ku daydaan.

Gudoomiye Shaafi Raabi Kaahin oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in kooxdu gaartay halkii uu ku haminayay wuxuu intaa daray in ay had iyo jeer garab taagnaan doonaan kooxda.

Ugu danbeyn, wasiirka Madaxtooyada Jubbaland Mudane Xirsi Jaamac Gaani oo isagu qudhiisa sheegay in uu yahay taageere kooxda JCCI ayaa uga mahadceliyay JCCI dhiirigelinta ciyaartooyda isagoo intaa ka daray in ka dowlad ahaan ay xoogga saari doonaan sidii loo xoojin lahaa Isboortiga Jubbaland oo taariikh wanaagsan  ee uu leeyahay.