
Qaar kamid ah Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Jubbaland ee hawlaha shaqo u jooga degmada Doolow ee Gobolka Gedo ayaa kulan miro dhal ah la yeeshay hay’adaha ka hawlgala degmada.
Shirkan, oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga, iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jubbaland, ayaa diiradda lagu saaray mashaariicda horumarineed ee hay’adaha ka wadaan gobolka iyo caqabadaha ka taagan hirgelintooda, Kulanka waxaa goob joog ka ahaa dhammaan hay’adaha ka hawlgala degmada Doolow, maamulka degmada, iyo qaar kamid ah Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Jubbaland.
Kulanka ayaa intii uu socday lagu lafaguray waxyaabaha ka hirgalay mashaariicdii horumarineed ee hay’adaha ay ka wadeen gobolka, iyada oo sidoo kale si qoto dheer loo dul istaagay caqabadaha hortaagan in mashaariicdan ay si buuxda u guulaystaan. Waxaa sidoo kale lagu gorfaynayay qorshayaasha mustaqbalka ee hay’adaha iyo sida loogu dhiirigelin karo inay joogteeyaan dadaalkooda horumarinta gobolka.




