R’salwasaaraha xukuumada Soomaaliya oo soo gaadhay magaalada Kismaayo.

900

Ra’isul Wasaraha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa goor dhaweyd soo gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel gaarka ah ee Dowlad goboleedka Jubaland, halkaas oo ay ku soo dhaweeyay madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam,dadwayne aad u farabadan iyo masuuliyiin kala duwan.

Ilo wareedyo ku dhow safarka Ra’isul Wasaraha ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in ujeedada ugu weyn ee safarka Rooble ay tahay sidii dib u heshiisiin looga sameyn lahaa khilaafka gobolka Gedo.

Safarka Ra’isul Wasaaraha ayaa sidoo kale qeyb ka ah dardargalinta hannaanka doorashada.

Ra’isul Rooble ayaa sidoo kale maalinta Jimcaha ah la filayaa inuu gaaro xarunta gobolka Gedo ee Garbahaarey, si uu dhameeyo faragalinta xoogan ee madaxwaynaha muddo xileedkiisu dhamaaday uu ku hayey arimaha gobolka Geddo

Ra’isul Wasaare Rooble ayaa dhawaan magacaabay guddib dib u heshiisiin gobolka Gedo ah, kaas oo aysan ku jirin xubno ka soo jeeda Jubaland.

Wuxuu sidoo kale Rooble dhagax dhigi doono mashaariic dhowr ah oo dowladda Federalka ay ka fulineyso magaalada Kismaayo.

Waa safarkii ugu horreeyay ee Ra’isul Wasaare Rooble uu ku imaado magalda kismaayo