
Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada Jubbaland Mudane Caydiid Suleymaan Xaashi ayaa deegaanka Janaa-cabdalle ee Gobolka Jubbada hoose ka dhagax dhigay xarun loogu talagalay in laga hirgaliyo Mashruuc Greenhouse ah oo loogu talagalay in lagu kaydiyo kumanaan nooc oo Dhir ah.
Dhirtan kala duwan ee lagu beerayo xarunta ayaa looga gol-leeyahay sidii loogu beeri lahaa deegaanka Janaa-cabdalle iyo tuulooyiinka ku teedsan, si loo dardargaliyo qorshaha cagaarinta ee ay hormuudka ka tahay Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada Jubbaland.
Wasiir Wasaaradda Deegaanka ayaa sidoo kale waxaa uu maamulka deegaanka Janaa-cabdalle ku wareejiyay 50 geed oo kala jaad ah, kuwaas oo loogu talagalay in lagu beero goobaha danta guud sida Isbitaalada, goobaha Waxbarashada iyo meelaha lamida ah, iyadoo Wasiirka uu dhirtii ugu horreysay ku beeray Isbitaalka Deegaanka Janaa-cabdalle.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







