Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Jubbaland oo Kormeer Shaqo Ku Tagay Deegaanka Dayax iyo Kabaso ee Degmada Doolow

0
190

Qaar ka mid ah agaasimayaasha guud ee wasaaradaha Dowladda Jubbaland, oo ay weheliyaan maamulka degmada Doolow iyo wakiillo ka socday hay’adaha fuliyey mashaariicda horumarineed, ayaa safar shaqo ku tagay deegaanka Dayax ee hoos yimaada degmada Doolow, gobolka Gedo.
Booqashadan ayaa ujeedadeedu ahayd kormeer lagu qiimeynayo mashaariicda horumarineed ee ka socday deegaanka, kuwaas oo ay kamid yihiin kuwa hoos yimaada mashruuca SomRep.
Intii uu socday kormeerka, mas’uuliyiintu waxay soo indha-indheeyeen goobaha laga fuliyey mashaariicda, iyagoo sidoo kale kulamo miro-dhal ah la yeeshay bulshada deegaanka.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta Jubbaland Maxamed Wali oo wafdiga hogaaminayay ayaa yiri:
“Waxaan ku faraxsanahay sida ay bulshada Dayax uga faa’iidaysatay mashaariicdan. Waxa aan aragnay horumar muuqda oo ay gaareen beeraleyda iyo ganacsatada deegaanka. Tani waxay na dhiirrigelineysaa inaan sii xoojino iskaashiga aan la leenahay bulshada iyo hay’adaha fulinta.”
Kulamada lala yeeshay bulshada deegaanka ayaa diiradda lagu saaray dhowr qodob oo muhiim ah, oo ay kamid yihiin:
• Taageerada iyo tababarada la siiyey beeraleyda deegaanka
• Horumarinta ganacsiga iyo hagbadda (Ayuutada)
• Xoojinta iskaashiga bulshada
• Digniinta iyo wacyi-gelinta khataraha dabiiciga ah
• Fidinta adeegyada daawaynta xoolaha iyo hagaajinta daaqa
Mid ka mid ah haweenka beeraleyda deegaanka, ayaa tiri:
“Tababarrada iyo qalabka aan helnay waxay wax weyn ka beddeleen nolosheenna. Waxaan hadda awoodnaa inaan wax beerno, wax goosanno, kana ganacsanno suuqa.”
Mas’uuliyiinta Dowladda Jubbaland ayaa ugu dambeyn ku amaanay bulshada deegaanka sida ay uga faa’iidaysteen mashaariicdan, waxayna ballanqaadeen in la sii wadi doono dadaallada lagu taageerayo horumarka ka socda gobolka Gedo.