
Saraakiisha iyo saraakiil-xigeennada ciidamada booliiska ee Gobolka Gedo ayaa si buuxda u taageeray go’aankii uu shaaciyay Taliyaha Qeybta Booliiska Gobolka Gedo, Korneyl Xuseen Giif, ee ku saabsan in ciidamada booliisku ay si buuxda ula shaqeeyaan Dowladda Jubbaland.
Shir ballaaran oo ka dhacay saldhigga booliiska degmada Baladxaawo ayaa waxa ka qeyb galay taliyeyaasha saldhigyada kala duwan ee gobolka, saraakiil xigeenno, iyo mas’uuliyiin ka tirsan laamaha ammaanka.
Intii uu socday kulanka, waxaa si qoto dheer looga hadlay xaaladda amni ee gobolka, muhiimadda midnimada ciidamada, iyo xoojinta wada-shaqeynta dowladda Jubbaland.
Korneyl Xuseen Giif ayaa sheegay in wixii hadda ka dambeeya ciidamada booliisku ay si buuxda uga mid noqonayaan nidaamka dowladnimada Jubbaland, isagoo hoosta ka xarriiqay in loo baahan yahay in la ilaaliyo kala dambeynta, sharciga, iyo amniga bulshada.
Waxa uu sidoo kale sheegay in laga hortagayo faragelin kasta oo carqaladeyn karta nabadda gobolka.
Saraakiisha ka qeyb gashay kulanka ayaa si cad u muujiyay taageeradooda go’aanka Taliyaha, iyagoo tilmaamay in la shaqeynta Dowladda Jubbaland ay tahay dariiqa kaliya ee lagu gaari karo xasillooni siyaasadeed iyo mid amni.
Dowladda Jubbaland ayaa horey ugu baaqday in dhammaan hay’adaha ammaanka gobolka ay si wadajir ah u gutaan waajibaadkooda iyadoo laga fogaanayo arrimo siyaasadaysan.