
Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa maanta magaalada Kismaayo ku qabatay munaasabad lagu xusayo Maalinta Deegaanka Adduunka, taas oo sanad walba laga xuso guud ahaan caalamka iyo Soomaaliya. Sanadkan, hal-ku-dhegga xuska ayaa ahaa “Dabargoynta Bacaha iyo Balaastiga”, iyada oo xoogga la saarayo wax ka qabashada halista ay bacaha ku hayaan deegaanka.
Munaasabadda ayaa waxaa soo qabanqaabisay Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Jubbaland, waxaana kasoo qeyb galay wasaaradaha bahwadaagta la ah, maamulka degmada Kismaayo, xildhibaanno, marti sharaf, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Guddoomiyaha Degmada Kismaayo – Cumar Cabdullaahi Maxamed (Faroweyne)
Guddoomiyuhu wuxuu bogaadiyay xuska maalinta deegaanka, isagoo xusay in si dhab ah looga shaqeeyo ilaalinta deegaanka si loo gaaro Kismaayo cagaaran oo nadiif ah.
Wasiirrada kasoo qeyb galay
Wasiirrada ka hadlay madasha waxay carrabka ku adkeeyeen muhiimadda maalintan, iyagoo muujiyay halista ay bacaha iyo balaastigu ku hayaan deegaanka. Waxay ku baaqeen in la mideeyo dadaallada lagu ilaalinayo deegaanka loona baahan yahay wacyigelin joogto ah oo ku wajahan bulshada.
Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Jubbaland – Saleymaan Caydiid Xaashi
Wasiirku wuxuu sheegay in wasaaraddu ay wado barnaamijyo lagu ilaalinayo deegaanka, kuna dhiirrigelinaya dadweynaha inay ka qeyb qaataan ilaalinta nadaafadda iyo dhismaha degaan nadiif ah. Wuxuu sidoo kale xusay baahida loo qabo wacyigelin ballaaran oo ku saabsan saameynta taban ee bacaha la tuuro.
Dhir-beeris lagu xoojiyay munaasabadda
Ugu dambeyn, madaxda iyo martida ka soo qeybgashay munaasabadda ayaa si wadajir ah uga qeyb qaatay dhir-beeris lagu qabtay xarunta wasaaradaha ee Jubbaland, taas oo astaan u ahayd ka go’naanshaha Jubbaland ee dhanka ilaalinta deegaanka iyo dhisidda mustaqbal cagaaran oo Kismaayo ah.