
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga Dowladda Jubbaland Generaal Aden Axmed Xaaji ayaa maanta si rasmi ah u soo xiray tababar loo qabtay cutub katirsan Ciidanka Madaxtooyada Dowladda Jubbaland.
Tababarkan oo socday muddo cayiman ayaa ujeeddadiisu ahayd kor u qaadidda aqoonta, xirfadaha iyo anshaxa shaqo ee ciidanka, si ay si hufan ugu gutaan waajibaadka amni ee loo igmaday, gaar ahaan ilaalinta Madaxtooyada iyo madaxda sare ee Dowladda.
Wasiirku wuxuu bogaadiyay sida hufan ee ay ciidamadu u qaateen una fahmeen tababarka, isagoo ku ammaanay dadaalkooda, anshaxooda iyo sida ay uga go’an tahay kor u qaadista xirfaddooda shaqo.
Munaasabadda xiritaanka tababarka waxaa Wasiirka ku wehelinayay Taliyaha Madaxtooyada Jubbaland, Ganshanle dhexe Mahad Xasan Cabdi , oo bogaadiyey dadaalka iyo kartida ay muujiyeen ciidanka intii uu tababarku socday, isla markaana ku adkeeyey in ay si daacadnimo iyo masuuliyad leh ugu adeegaan qaranka iyo bulshada.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







