
Gudoomiyaha Degmada Baladxaawo ee Gobolka Gedo Mudane Cabdicasiis Xareed Cabdullaahi ayaa shir gudoomiyay kulanka todobaadlaha ah ee Amniga degmada Baladxaawo.
Shirka ayaa waxaa kasoo qayb galay saraakiisha ciidamada daraawiishta iyo Booliska Jubbaland ee degmada Baladxaawo oo ay ugu horreeyaan Taliyaha qeybta booliska ee gobolka Gedo Gaashaanle Cabdifatax Macalin Nuur (Saliim), Taliyaha ciidamada daraawiishta Jubbaland ee degmada Baladxaawo Farxaan Odowaa, taliyaha xasilinta ciidamada daraawiishta jubaland ee degmada Baladxaawo Xasan Cibaad iyo saraakiisha qeybaheeda kala duwan.
Kulanka ayaa Warbixino amni looga dhagaystay taliyaha qeybta booliiska Gaashaanle Cabdifatax Macalin Nuur iyo iyo taliyaha ciidamada daraawiishta Jubaland ee degmada Baladxaawo Farxaan Odowaa, iyadoo shirka diirada lagu saaray adkaynta amniga xuduudaha iyo xoojinta wada shaqaynta ka dhaxaysa laamaha amniga iyo sidoo kale adkaynta amniga maalmaha ciida ee nagu soo Wajahan.
Gudoomiyaha Degmada Baladxaawo ee Gobolka Gedo Mudane Cabdicasiis Xareed Cabdullaahi oo ugu dambayn shirka soo xiray ayaa ku bogaadiyay ciidamada shaqada adag ee ay u hayaan bulshada kuna amaanay sida ay uga soo dhalaaleen doorkooda ilaalinta amniga Degmada.






