Ciidamada Dab-damiska dowladda Jubbaland oo Damiyay Dab ka Kacay Xarun Ganacsi oo ku taalla Bartamaha Kismaayo

59

Ciidamada Dab-damiska Booliska ee Dowladda Jubbaland ayaa ku guuleystay in ay damiyaan dab ka kacay xarun ganacsi oo ku taalla inta u dhaxeeysa Masaajidka Baajuunta iyo Carwo Istaag ee bartamaha magaalada Kismaayo.

Dabkaan oo la rumeysan yahay inuu ka dhashay koronto ku jirtay goobta ganacsi ayaa waxaa durbadiiba soo gaaray ciidamada gurmadka degdegga ah ee Dab-damiska Booliska Taliska Qaybta Booliska Gobolka Jubbada Hoose oo u taagan badbaadinta shacabkooda. Waxaa muddo kooban lagu guuleystay in la bakhtiiyo dabka oo aan gaarin goobihii kale ee ganacsi.

Ma jiraan wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay dabkaan, marka laga reebo laba guri oo holacu gaaray, oo midi ahaa dukaan lagu keydiyo dawo. Waxaa la arkayay gaadiidka dab-damiska ah oo ku sugan goobta, walow uu dabku ahaa mid ku eg isla goobtii uu ka kacay.

kampungbet

kampungbet