Guddoomiyaha Degmada Kismaayo oo ay Wehliyaan Injineero Caalami ah ayaa Kormeeray Goobaha Biyo Fadhiisiga si Xal Waara Loogu Helo

68

Guddoomiyaha degmada Kismaayo ahna duqa magaalada, Cumar Cabdullahi Mohamed Faraweyne, ayaa kormeer ku tagay goobaha biyaha roobka ay fariisteen ee gudaha magaalada Kismaayo.
Kormeerkan oo ay guddoomiyaha ku wehliyeen injineero heer caalami ah, ayaa ujeedkiisu ahaa in si qoto dheer loo qiimeeyo xaaladda goobaha ay biyuhu fariisteen, si xal waara loogu helo dhibaatooyinka ka dhasha fatahaadaha iyo biyo-istaagga.

Intii uu socday kormeerku, guddoomiyaha iyo khubarada injineerinka ah ayaa xog-ururin ka sameeyay meelaha ugu daran ee biyo fariisigu saameeyay, iyagoo sidoo kale la kulmay qaar ka mid ah bulshada deegaanka si ay u dhageystaan .
Guddoomiye Faraweyne ayaa sheegay in maamulka degmada Kismaayo ay ka go’an tahay sidii wax looga qaban lahaa dhibaatada biyo fadhiisiga, isagoo tilmaamay in la qorsheynayo hirgelinta nidaamyo casri ah oo biyo-mareen ah, lana samayn doono daraasado farsamo oo lagu ogaanayo xalalka ugu habboon ee waxtarka u leh magaalada.

Kormeerkan ayaa qeyb ka ah dadaallada ballaaran ee maamulka degmada Kismaayo uu ku doonayo in lagu horumariyo kaabeyaasha muhiimka ah ee magaalada,

kampungbet

kampungbet