Xildhibaanada Galmudug oo diyaar garow ugu jiro doorashada Gudoonka Barlamaanka Galmudug.

941

Degmada Dhuusa-Mareeb ee xarunta u ah dowlad gobolleedka Galmudug ayaa lagu wadaa in maanta fadhiggii ugu horreeyay ee ay ku yeeshaan xildhibaannada Baarlamaanka 2aad ee dowlad gobolleedka Galmudug.

Xildhibaannada ayaa intii ay ku jiraan kulankooda waxaa ay si KMG ah shir guddoon ugu dooran doonaan qofka ugu da’da weyn ilaa iyo inta ay ka dooranayaan guddoonka Baarlamaanka Galmudug.

Amniga Magaalada Dhuusamareeb ayaa aad loo adkeeyey,waxana sidoo kale halkaasi ka socda kulamo xasaasi ah iyo loolan loogu jiro kamid noqoshada lixda Xubnood ee ka harey Baarlamaanka Maamulka Galmudug