
Xildhibaan Hore Yuusuf Maxamed Gurxan oo maalmahan ku sugan degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo ayaa booqasho rasmi ah ku tegay mid ka mid ah talisyada Ciidanka Daraawiishta ee Dowladda Jubbaland ee ku sugan degmadaasi.
Xildhibaanka ayaa halkaas kula kulmay saraakiisha iyo ciidamada ku sugan xarunta, isagoo ku ammaanay dadaalka ay ugu jiraan sugidda nabadda, xasilloonida, iyo ilaalinta amniga guud ee bulshada Jubbaland.
Xildhibaanka ayaa caddeeyay in ciidamada Daraawiishta ay yihiin tiir muhiim u ah dowladnimada iyo nabad ku noolaanshaha shacabka.
Intaa kaddib, Xildhibaan Gurxan ayaa kormeer ku sameeyay qeybo ka mid ah magaalada Baladxaawo, waxaana socdaalkiisa ku wehliyay qaar ka mid ah saraakiisha Ciidanka Daraawiishta Jubbaland.