
Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa israsaaseyn socotay daqiiqado kooban oo barqanimadii Maanta ka dhacday deegaanka Hul-kujir ee hoostega Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.
Israsaaseynta ayaa dhexmartay rag hubeysan oo maleeshiydo beeleed ah, waxaana dadka deegaanka qaarkood oo la hadlay warbaahinta ay u sheegeen in rasaasta ay timid, kadib markii maleeshiyaadka ay isku qabsadeen qaad laga keenay Itoobiya.
Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay israsaaseynta ka dhacday deegaanka Hul-kujir ee hoostega Magaalada Cadaado, iyadoona haatan xaaladda ay tahay mid degan, sida aan wararka ku helnay.
Inta la xaqiijiyay rasaasta ay is-dhaafsadeen maleeshiyaadka hubeysan ayaa waxaa ku dhintay laba qof oo shacab ah, halka 5 kalena ay dhaawacyo soo gaareen, kuwaas oo la geeyay Xarun Caafimaad.
Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo deegaanka Hul-kujir ayaa sheegaya in Odayaasha dhaqanka Magaalada Cadaado ay ku baxeen maleeshiyaadka israsaaseyay, kadib markii ay isku qabsadeen qaad laga keenay dalka Itoobiya.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







