
DIGNIIN: Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Dowladda Jubaland ayaa soo saartay digniin rasmi ah oo ku saabsan dabaylo xooggan oo laga cabsi qabo in ay ku dhuftaan qaybo kamid ah deegaannada Jubaland maalmaha soo socda.
Digniintan ayaa lagu sheegay in dabaylahaasi noqon karaan kuwo sababa khasaare hantiyadeed iyo mid nafeed haddii aan taxaddar la muujin.
Wasaaraddu waxay sheegtay in dabaylahaasi ay la socdaan roobab xooggan iyo hirar dhaadheer oo saameyn kara magaalooyinka Kismaayo, Badhaadhe, iyo deegaannada ku teedsan xeebaha.
Wasaaraddu waxay ugu baaqday dhammaan shacabka Jubaland, gaar ahaan dadka ku nool agagaarka xeebaha iyo kalluumeysatada, in ay muujiyaan feejignaan dheeraad ah, isla markaana ay raacaan tilmaamaha iyo talooyinka ay bixinayaan wasaaradda iyo maamulada degmooyinka.
Sidoo kale, wasaaraddu waxay kula talisay in aan la gelin badda inta ay socoto xaaladda cimilada ee halista ah, ayna laga fogaado meelaha ay suuragalka tahay in daadad ama dabaylo waxyeello ka geystaan.


![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







