Wasaaradda Maaliyadda Jubbalaand oo jawaab ka bixisay warqad shalay ka soo baxdey xafiiska wasiirka Maaliyadda Soomaaliya.

1022

Wasiirka Maaliyada Dowlad Goboleedka Jubaland, ayaa ka hadlay qoraal Shalay ka soo baxay Xafiiska Wasiirka Maaliyada Somaliya C/raxmaan Ducaale Beyle.

Mudane C/rashiid Jire Qalinle Wasiirka Maaliyada Dowlad Goboleedka Jubaland ayaa sheegay in Qoraaladan ay yihiin oo kaliya kuwo lagu doonayo in lagu carqaladeeyo shirarka Golaha Iskaashiga.

Qoraalkan kii ka horeeyay, ayuu sheegay in la soo saaray xiliga shirkii Kismaayo, Kan cusubna lagu soo aadiyay midka Garoowe uga socda Dowlad Goboleedyada, taasoo muujineysa in Dowladda Dhexe carqaladeyneyso Shirarka, Sidaas waxaa yiri Wasiir Qalinle.

Dowladda Dhexe, ayuu sheegay ineysan si rasmi ah baaqyadeeda ugu dirin Dowlad Goboleedyada, balse ay soo dhigto oo kaliya Baraha Bulshada taasoo Muujineysa hoos u dhaca la galiyay Dowladnimada dalka.

Sidoo kale Wasaaradda Maaliyadda ayaa qoraalkeeda ku sheegtay dhowrkii todobaad ee la soo dhaafay in si dhow ula shaqeyneysay Wasiiradda Maaliyadda Dowlad goboleedyada si ay u diyaariyaan xisaab celinta laga rabo.

Wasiirka Maaliyada Dowlad Goboleedka Jubaland Mudane C/rashiid Jire Qalinle Waxa uu tilmaamay in wali halkeeda ay tahay Hakadka ku jira Xiriirka dowladda Dhexe iyo kuwa Gobolada, Isagoo Su’aal iska weydiiyay Cida ay wadashaqeynta Todobaadyadan la lahaayeen.

Wasiirka ayaa Carabka ku adkeeyay in dakhliga ka soo xarooda Dekeda magaalada Kismaayo ay u soo wareejiyaan Dowladda Dhexe, Waloow Federaalka laga la’yahay lacagaha ay soo dhiibaan deeq bixiyayaasha oo si gaar ah ay isugu gaar yeeshay isla markana aysan dalka oo dhan gaarsiinin.