
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Jubaland, Mudane Ismaaciil Axmed Garas, ayaa maanta daahfuray Wareegga 4aad ee Ololaha Talaalka Kadabageynta carruurta aan horey loo talaalin ama aan dhamaystirin talaallada joogtada ah sanadihii la soo dhaafay.
Ololahan talaalkan ayaa ujeeddadiisu tahay in la kordhiyo tirada carruurta ka yar shanta sano ee la gaarsiiyo dhammaan talaallada muhiimka u ah ka hortagga cudurrada faafa ee halista ku ah caafimaadka carruurta kaas oo maanta si toos ah uga bilaabmay dhammaan degmooyinka Jubaland, waxaana uu socon doonaa muddo 7 maalmood ah.
Intii uu socday daahfurka, Wasiirka Caafimaadka Jubaland, Mudane Ismaaciil Axmed Garas, ayaa ku booriyay dhammaan waalidiinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan Jubaland inay ka qeybqaataan fududeynta gaarsiinta talaalka carruurtooda, si looga hortago cudurrada khatarta ah ee waxyeellada ku leh caafimaadka caruurta.






![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)






