
Waxaa si rasmi ah loo bilaabay daamur-saarista (laamiga) Waddada Koowaad (Road One), gaar ahaan qaybta Ceemiska.
Waddadan ayaa ka mid ah wejiga labaad ee Mashruuca Dhismaha Waddooyinka Laamiga ah ee ka socda magaalada Kismaayo.
Waddadani waxay muhiim u tahay isku xirka bulshada, iyadoo fududeyn doonta isku socodka gaadiidka, kobcin doonta ganacsiga, isla markaana sare u qaadi doonta adeegyada dadweynaha.
Mashruucan waxa uu muujinayaa dadaalka joogtada ah ee lagu horumarinayo kaabayaasha dhaqaalaha ee deegaanka.
Waxaa la filayaa in wejigan labaad uu si buuxda u dhammaado waqti dhow, iyadoo la raacayo jadwalka shaqo ee horay loo dejiyey.