Xil-wareejinta Agaasimaha Cusub ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka dowladda Jubbaland oo Ka Dhacday Xarunta Wasaaradda

63

Munaasabadda xil-wareejinta agaasimaha cusub ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda Jubbaland ayaa si rasmi ah uga qabsoontay xarunta dhexe ee wasaaradda.

Xafladda ayaa waxaa kasoo qaybgalay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka, howlwadeennada wasaaradda, iyo sidoo kale xubno ka socday Guddiga Shaqada iyo Shaqaalaha Jubbaland, iyo masuuliyiin kale oo muhiim ah.

Intii ay socotay munaasabadda, waxaa lagu soo bandhigay warbixino ku saabsan qorshayaasha mustaqbalka ee wasaaradda, iyo sidoo kale waxqabadkii laga gaadhay mudadii uu xilka hayay agaasimihii hore.

Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Jubbaland ayaa kamid ah hay’adaha ugu muhiimsan ee ka shaqeeya horumarinta nolosha bulshada, iyadoo ay muhiimad gaar ah u leedahay maadaama Jubbaland uu Alle ku manaystay dhul beereed ballaaran oo hodan ku ah wax-soo-saarka beeraha.