Madaxweynaha Jabuuti & IGAD oo cambaareeyay weerarkii askarta lagu dilay

503

Madaxweynaha dalka Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa si adag u cambaareeyey weerar lagu diley 7 askari oo ka tirsan milatariga Djibouti ee ka hawlgalla galbeedka waqooyi ee dalka Djibouti gaar ahaan degmooyinka aadka u duruksan.

Wasaaradda Gaashaandhiga dalka Jabuut ayaa Warsaaafadeed ay soo saaartay waxaa ay ku sheegtay in sidoo kale weerarka ay ku maqan yihiin lix kamid ah Askarta Jabuuti, balse lagu raadjoogo.

Dhinaca kale Xoghayaha Fulinta ee Urur Goboleedka IGAD Dr. Workneh Gebeyehu, ayaa waxaa uu si adag u cambaareeyay weerarkii lagu qaaday Guutada Tadjourah ee Ciidanka Jabuuti, kaas oo lagu dilay. todobo askari lagua dhaawacay afar kale.

Dr. Workneh ayaa sheegay in Jabuuti ay tahay dal nabadeed, isla markaana ay door muhiim ah ka qaadato horumarinta nabad kuwada noolaanshaha gobolka.

Xoghayaha fulinta IGAD ayaa tacsi tiiraanyo leh u diraya dowladda iyo shacabka Jabuuti iyo qoysaskii ay ka baxeen saraakiishii lagu dilay. Sidoo kale waxa uu caafimaad deg deg ah u rajeeyay dadkii ku dhaawacmay, wuxuuna u rajeeyay in 6-da askari ee maqan la helo dhawaan.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu tilmaamay in loo baahan yahay in cadaalada la horkeeno cidii geysatay falkaasi, waxaana mas’uuliyadda weerarkaas sheegtay kooxda isku magacawda garabka hubeysan ee jabhadda FRUD.