Munaasabadda Xil-wareejinta Agaasimaha Cusub ee Wasaaradda Isgaarsiinta Dowladda Jubbaland oo lagu Qabtay Magalaada Kismaayo

62

Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Shaqada iyo Shaqaalaha dowladda Jubbaland ayaa maanta si rasmi ah xilkii ugu kala wareejiyay Agaasimaha cusub ee Wasaaradda Boostada iyo Tiknoolajiyada,Mudane Murshid Cabaas, iyo agaasimihii hore, Maxamed Cabdullaahi Macalin Saacid.

Munaasabadda xil wareejinta oo lagu qabtay xarunta wasaaradda ayaa waxaa goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Jubbaland, shaqaalaha wasaaradda, iyo marti sharaf kale.

Guddoomiye ku xigeenka ayaa tilmaamay in xil wareejintani ay qeyb ka tahay horumarinta iyo tayeynta shaqada wasaaradda, isagoo u mahadceliyay agaasimihii hore ee xilka baneeyay sidoo kalna soo dhaweynayay agaasimaha cusub.

Agaasimaha cusub Murshid, ayaa ballan qaaday inuu dardar gelin doono howlaha wasaaradda, gaar ahaan horumarinta adeegyada boostada iyo tiknoolajiyada si ay ula jaanqaadaan baahiyaha bulshada Jubbaland..