
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Beeraha ee Dowladda Jubbaland, Mudane Ugaas Cali Sonkor, ayaa digniin u diray hay’adaha ka shaqeeya arrimaha beeraha, isagoo sheegay inaysan shaqo bilaabi karin ama mashruuc fulin karin iyaga oo aan si buuxda fasax uga haysan Wasaaradda Beeraha Jubbaland.
Wasiirku wuxuu sheegay inay mararka qaar muuqato in hay’adaha qaarkood ay is huwan yihiin kambaniyada ay shaqooyinka siiyaan, taas oo aanay Wasaaraddu aqbali doonin.
Waxa uu sidoo kale caddeeyey in uusan jirin kambani shaqo ka qaban kara arimaha beeraha isagoo aan haysan sharciyad rasmi ah oo wasaaradda ka timid.
Wasiirka ku-xigeenka ayaa sheegay in arrintani ay keentay isla xisaabtan la’aan ku aaddan shaqadii loo igmaday kambaniyada qaar.
Waxa uu intaas ku daray inay soo arkeen howlo loo igmaday kambaniyo qaar oo aan si wanaagsan loo hirgelin, sidaas darteedna hadda ay shaqada ka joojinayaan hay’adihii sameeyay khaladaadkaasi, haddii ay qaladaadka sii wadaanna ay si toos ah uga mamnuuci doonaan inay ka shaqeeyaan arrimaha beeraha.