Wasiirka Qorsheeynta Jubbaland iyo Madax ka socoto Qaramada Midoobey oo kulan ku yeeshay garoonka Diyaaradaha kismaayo,

110
Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Dowladda Jubbaland mudane Cabdiraxman Cabdi Axmad ayaa maanta garoonka Diyaaradaha Sayid Maxamad Cabdulle Xasan eebmagaalada Kismaayo ayaa kulan kula qaatay Madaxda Hay’adaha Qaramada Midoobey ee ka howlgala deegaanada Jubbaland.
Shirka waxaa Wasiirka ku wehelinayay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Qorsheynta Ayaanle Xuseen Maxamad iyo masuuliyiin kale waxaana looga hadlay ballaarinta wadashaynta iyo iskaashiga arimaha amniga, hormarinta qorshayasha hortabinta u leh Dowladda iyo bulshada Jubbaland,
sidoo kale waxaa looga arrinsaday xoojinta iskaashiga iyo sare u qaadida tayada Hay’adaha Dowlada iyadoo loo marayo siyaasado iyo nidaam tabantaabinaya islamarkaana sare u qaadaya isla xisaabtanka.