Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cadaaladda Jubbaland oo Kormeeray Xarumaha Cadaaladda ee Degmada Dhoobley

28

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Dowladda Jubbaland, Mudane Cabdullaahi Cabdiqaadir Aadan, oo hawlo shaqo u jooga degmada Dhoobley, ayaa kulan muhiim ah la qaatay maamulka degmada iyo bahda cadaaladda ee degmada Dhoobley, gobolka Jubbada Hoose.

Kulankan ayaa inta badan diiradda lagu saaray sidii loo horumarin lahaa adeegyada cadaaladda ee degmada, loona xaqiijin lahaa in bulshada deegaanka ay helaan adeeg cadaaladeed oo dhammeystiran, hufan, lana jaanqaadaya baahiyahooda.

Kulanka kadib, Agaasimaha Guud oo ay weheliyaan mas’uuliyiinta maamulka degmada ayaa kormeer ku tagay xarumaha ay ku shaqeeyaan hay’adaha cadaaladda, xabsiga degmada, iyo saldhigga booliiska Dhoobley, si ay ugu kuur galaan xaaladaha shaqo iyo adeegyada la bixiyo.