
Madaxweyne Ku-xigeenka 1-aad ee Dowladda Jubbaland, Mudane Maxamuud Sayid Aadan, ayaa ka qayb galay bandhig dhaqameed ballaaran oo ay magaalada Gaarisa ku qabteen bulshada Soomaaliyeed ee halkaasi ku nool.
Bandhiggan dhaqanka oo si heer sare ah loo soo agaasimay, ayaa ujeeddadiisu ahayd xoojinta dhaqanka, midnimada bulshada, iyo dhiirrigelinta wadajirka ummadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.
Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa khudbad uu halkaasi ka jeediyay ku ammaanay dadaalka bulshada Soomaaliyeed ee Gaarisa ay ugu jiraan horumarinta dhaqankooda iyo ilaalinta hidaha iyo hannaanka suubban ee ay ummaddu ku dhaqanto.
Sidoo kale, wuxuu si gaar ah ugu mahadceliyay maamulka magaalada Gaarisa, bahda dhaqanka, iyo qabanqaabiyeyaasha bandhigga sida diirran ee ay u soo dhaweeyeen isaga iyo wafdigiisa.
Mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa hoosta ka xariiqay in Dowladda Jubbaland ay muhiimad weyn siineyso xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga ka dhexeeya bulshada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, isagoo ku baaqay in la sii xoojiyo wadajirka iyo isku duubnida bulshada Soomaaliyeed.