
Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Jubbaland ayaa maanta soo gabagabeysay tababar muhiim ah oo loo qabtay Booliska iyo bahda Garsoorka ee degmada Dhooblay, tababarkani waxa uu xooga saarayey hababka oogista iyo maamulida dacwadaha ciqaabta, iyadoo sidoo kale la falanqeeyey qaabka wada-shaqeynta ee Booliska, Xeer-ilaalinta, iyo Garsoorayaasha.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Cabdullahi Cabdulqadir Aadam Qaanuuni, ayaa tilmaamay in uu aad ugu faraxsan yahay sida wanaagsan ee ay Booliska, Xeer-ilaalinta, iyo Garsoorayaasha degmada Dhooblay uga wada shaqeeyaan arrimaha caddaaladda.
Wuxuu sheegay in Wasaaraddu ay si buuxda u taageereyso wada-shaqeyntan, isagoo xusay in ay muhiim tahay in la sii xoojiyo iskaashiga hay’adaha kala duwan ee garsoorka si loo hubiyo in nidaamka caddaaladdu uu noqdo mid hufan, cadaalad ah, oo bulshada ka faa’iideysa.