Madaxweynihii hore ee Gabon oo loo ogolaaday safarro dhanka dibadda ah

274

Madaxweynihii hore ee Gabon Ali Bongo Ondimba ayaa laga sii daayay xabsi guri,iyadoo loo ogolaaday in uu xor u yahay in uu safat caafimaad ku tago dibadaha, sida ay sheegeen militariga dalkaasi ee xilka la wareegay bishii hore.

Af-hayeenka milatariga Gabon, Colonel Ulrich Manfoumbi ayaa hadal uu ka jeediyay talefishanka qaranka ka sheegay in  Ali Bongo Ondimba uu xor u yahay noloshiisa,isla markaana haddii uu doono, uu u safri karo  dibadda si uu baadhitaan caafimaad u sameeyo,”

Bayaanka lagu shaaciyay sii deynta Cali Boongo waxaa ku saxiixnaa General Brice Clotaire Oligui Nguema, kaas oo Isniintii loo dhaariyay inuu noqdo madaxa cusub ee qaranka Gabon.

  Madaxweynaha cusub ee ku meel gaarka ah,waxa uu ilaalo u ahaa aabbihii dhintay Bongo ,isagoo sidoo kale madax u ahaa ilaalada jamhuuriyadda dalkaasi,kuwaas  oo ahaa unug milatari oo habeysan.