Wasiirka Caafimaadka Jubbaland oo daahfuray Talaalka Jadeecada iyo Oof-wareenka

93

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Dowladda Jubaland, Mudane Ismaaciil Axmed Garas, ayaa si rasmi ah uga daahfuray magaalada Kismaayo ololaha talaalka isku dhafan ee ka hortagga cudurrada Jadeecada iyo Oof-wareenka (PCV).

Munaasabadda daahfurka, oo ka dhacday Xarunta Caafimaadka ayaa waxaa ka soo qeyb galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Maxamed Xuseen Maxamed, mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda, iyo wakiillo ka socday hay’adaha UNICEF iyo WHO.

 

Ololahan oo socon doona muddo shan maalmood ah, ayaa si ballaaran looga fulin doonaa dhammaan degmooyinka hoos yimaada Jubaland.

Ujeeddada ugu weyn ee ololaha ayaa ah in la gaarsiiyo talaalka carruurta da’doodu ka yar tahay shan sano, oo tiradooda ay gaareyso 400,000 oo caruur ah iyo wax ka badan si loo xoojiyo difaaca ka hortagga cudurrada faafa ee halista ah, gaar ahaan Jadeecada iyo Oof-wareenka.

 

Wasiir Garas oo hadal ka jeediyay munaasabadda, ayaa xusay muhiimadda ay tallaaladu u leeyihiin badbaadada carruurta, isaga oo tilmaamay in ololahan uu qeyb ka yahay dadaallada joogtada ah ee lagu xakameynayo cudurrada dilaaga ah ee sida xawliga ah ku faafa, Wuxuu si gaar ah u carabaabay dhibaatooyinka uu cudurka Jadeecadu ku hayo qaar kamid ah deegaanada Jubaland, taas oo si gaar ah u saameysay carruurta yaryar.

 

Ugu dambeyn, Wasiirka ayaa ugu baaqay waalidiinta iyo guud ahaan bulshada inay door muuqda ka qaataan ololahan, ayna hubiyaan in dhammaan carruurtooda ay helaan tallaalka, si looga hortago khatarta cudurrada faafa loona xaqiijiyo mustaqbal caafimaad qaba oo carruurta Soomaaliyeed ah.