Wasiir Ku-xigeenka Caafimaadka Jubbaland oo Xarigga Ka Jaray Isbitaal Cusub oo Laga Hirgeliyay Ceelwaaq, Gedo

112

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda caafimaadka ee dowladda Jubbaland, mudane Abshir Mohamed Cabdi, iyo wefdi uu hoggaaminayay ayaa maanta soo gaaray degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

Safarka wasiir ku xigeenka Wasaaradda caafimaadka ee dowladda Jubbaland ayaa daarnaa xarig jarka isbitaal cusub oo laga hirgeliyay degmada Ceelwaaq.

Munaasabadda xarig jarka isbitaalkan cusub ee ay yeelaneyso degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, ayaa waxaa ka soo qeyb galay wasiiro ka tirsan dowladda Jubbaland, xildhibaano madax ka socotay hay’adda Trocaire oo uu hoggaaminayay ku xigeenka guud ee hay’adda Trocaire ee Soomaaliya mudane Cabditaari, isku duwaha

Wasaaradda caafimaadka ee dowladda Jubbaland ee gobolka Gedo, maamulka degmada Ceelwaaq, saraakiisha ciidanka daraawiishta Jubbaland iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.