Xisbiga wada-jir oo qaadacay heshiiska Shidaalka

65

Xisbiga Wadajir ayaa War-saxaafadeed ay soo saareen ku tilmaamay sharci daro heshiiska Dowladaha Somalia iyo Turkiga kala saxiixdeed oo Shacabka soomaliyeed aan wax Dan ah ogu jirin qodobada lagu heshiiyay.

”Heshiisku wuxuu si toos uga hor imaanayaa Sharciyada iyo Xeerarka Kheyraadka dabiiciga ah ee Dawladda Federaalka ah, heshiisyada ka dhaxeeya DFS iyo Dowlad Gobolleedyada ee wadaagga kheyraadka dabiiciga ah, kaasoo dhigaya in heshiis walba oo la xiriira shidaal qodis, sahamin ama baaris uu noqdo mid daahfuran, laga dooday, la qiimeeyay, laguna heshiiyay, ugu danbeynna laga meelmariyay Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee DFS, ka hor inta aan la saxiixin”