
Taliyaha Qeybta Guud ee Gobolka Jubada Hoose, Kornayl Sadiiq Maxamuud Dhogor, ayaa Degmada Dhoobley kulan muhiim ah kula yeeshay qeybaha kala duwan ee Ururka Hooyooyinka magaalada, kaas oo diiradda lagu saaray sugidda amniga iyo xoojinta wada shaqeynta hey’adaha ammaanka, gaar ahaan Booliska.
Kulankan ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay Taliyaha cusub ee Saldhigga Booliska Degmada Dhoobley, Gaashaanle Dhexe Cabdiqaadir Xasan Cabdi, Taliyaha Nabad-sugidda Degmada Dhoobley, Cabdullaahi Jeemis, iyo Guddoomiyaha Degmada Dhoobley, Mudane Xasan Cabdi Xaashi.
Intii uu kulanku socday, haweenka Ururka Hooyooyinka ayaa soo bandhigay talooyin wax ku ool ah oo ku aaddan ilaalinta amniga deegaanka, ka qeyb qaadashada dowlad-dhiska, iyo la dagaallanka fikradaha gurracan ee ay faafinayaan kooxaha Khawaarijta ah.
Waxay sidoo kale muujiyeen doorkooda muhiimka ah ee ay ku leeyihiin wacyigelinta bulshada iyo la shaqeynta hay’adaha ammaanka.
Mas’uuliyiintii kulanka ka hadlay kulan ayaa bogaadiyay kaalinta haweenka ee sugidda nabadda iyo amniga, iyagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo wada shaqeynta u dhexeysa bulshada iyo hay’adaha ammaanka si loo xaqiijiyo amni waara iyo horumar guud.





![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)






