Wasaaradda Cadaalada Jubbaland oo dhoobley ka daahfurtay tababar ku saabsan Wadahadalka Nabdoon

65

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cadaalada iyo Arrimaha dastuurka dowlada jubbaland ayaa dagmada dhoobley ee gobalka Jubada hoose ka daahfuray tababar laxariira Wadahadalka Nabdoon.

Tababarka ayaa waxaa kasoo qeyb galay Maamulka Degmada, Odayaasha Dhaqanka, iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan ee degmada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose.

Ujeedada tababarku waxay tahay in la dhiirrigeliyo wada-xaajoodka iyo xalinta khilaafaadka iyadoo loo marayo hab nabadeed iyo is-afgarad.