Dhageyso:Haweenka Jubbaland Oo umidoobay garab istaaga Ciidamada geesiyada Jubbaland ee Dagaalka kula jira Khawaarijta .

72

Gudoomiyaha ururka Haweenka Ee gobolka Jubbada Hoose Faadumo Aadan Cumar Kateela

Oo La Hadashay Radio kismaayo codka Jubbaland ayaa Faafaahisay Qorshe Mudooyinkaan Dambe ay Wadeen haweenka gobolka Kaas oo Lagu Dhiiragalinayo Ciidamada Geesiyaasha Jubbaland Kuwaas oo Har Iyo habeenba Utaagan Difaaca Dadka iyo Deegaanka.

Gudoomiye faadumo aadan cumar kateela Ayaa Sheegtay in Ay maalmihii udambeeyay Haweenka ay shaqooyin Baaxad leh ay ka qabteen deegaanka Taas oo Qayb weyn ka qaadatay sugidda amaanka deegaanka.

Waxay sidoo kale baaq udirtay guud ahaan Waalidiinta ay carruurtooda ku jiraan kooxaha Khawaarijta si looga Adkaado Fikradaha guracan Ee Khawaarijta

Hadalka Gudoomiye faadumo Aadan Kateela ayaa kusoo Aadayo xilli Qayb kamid ah haweenka Jubbaland ay qaadeen tallaabooyin wax ku ool ah kuwaas oo dhiiragaliyay Ciidamada kusugan furimaha dagaalka taas oo qayb ka noqotay casharadda wali aysan ilaawin kooxaha Khawaarijta ee loogu dhigay jiidaha Hore Ee Dagaalka.