Banaanbax lagu taageerayo wax ka badelka Dastuurka Dowladda Jubaland ayaa ka dhacay degmada Doloow ee Gobolka Gedo.

64
Banaanbax lagu taageerayo wax ka badelka Dastuurka Dowladda Jubaland ayaa ka dhacay degmada Doloow ee Gobolka Gedo.
Banaanbaxa oo ay soo agaasimeen maamulka degmada Doloow ayaa si weyn loogu taageerey wax ka badelka Dastuurka Dowladda Jubaland iyo ansixintii ay ku sameyeen Golaha Wakiilada Dowladda Jubaland.
Gudoomiye kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda degmada Aadan Barre Cali madaxa Arrimaha bulshada Cabdifitaax Ismaciil Xuseen oo dibadbaxayaasha kula hadlay Garoonka Kubada cagta Kabasa ayaa sheegay in maamulka iyo bulshada ay si weyn u soo dhaweynayaan qodabada wax ka bedelka lagu sameeyey.