Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul insaanka Jubbaland oo degmada Afmadow ee gobolka Jubbada hoose ka daah-furtay tababar ku saabsan Nabadaynta iyo xasilinta

64
Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul insaanka Jubbaland ayaa degmada Afmadow ee gobolka Jubbada hoose ka daah-furtay tababar ku saabsan Nabadaynta iyo xasilinta khilaafaadka oo afartii biloodba mar la qabto.
Tababarkan oo ay iska kaashadeen Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Jubbaland iyo hay’adda UNDP ayaa waxa loo qabtay Ururka Haweenka ee degmada Afmadow, waxaana diiradda lagu saarayay doorka ay haweenka ku leeyihiin Dowlad dhiska iyo ka qayb galka siyaasadda