Wasiirka Amniga Gudaha XFS ayaa xafiiskiisa ku qaabilay , ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya

74
Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Raisedon Zenenga, ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya iyo mas’uuliyiin la socday.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo joogteyn lahaa wadashaqeynta labada dhinac, isla markaana la isaga kaashan lahaa xoojinta amniga dalka, gaar ahaan horumarinta amniga Caasimada dalka ee Muqdisho. Sidoo kale, kulanka ayaa waxaa looga hadlay u diyaargarowga bixitaanka ATMIS iyo marxalada kala guurka ah.
Kulanka waxaa Wasiirka ku weheliyay kusimaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha Col. Cabdullaahi Faarax.