
Wasaaradda Gargarka iyo Maareynta Musiibooyinka Dowladda Jubaland ayaa qabatay shirkii billaha ee arimha bini’aadinimo, kaas oo ka dhacay hoolk shirraka ee Wasaarada.
Shirka oo uu gadoominayay wasiir ku xigeenka Wasaarada, Mudane Maxamed Cusmaan Jaamac ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ahaayeen Agassimeyaasha Wasaaradaha Gargaarka iyo Warfaafinta.
Waxaa kale oo kasoo qeyb galay bahwadaagta Wasaarada iyo Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Jubbaland ee JUCRI, waxaana loogu hadlayey u dirgaroowka fatahaada la saadaalinaayo.
In kabadan 10 degmo oo Jubaland katirsan ayaa laga cabsi qabaa in ay waxyeeleeyso fatahaadaha lasadalinayo in ay kadhacan Qeybo kamid ah Jubbaland.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







