Madaxweynaha Dowladda Jubbaland ayaa maanta xarigga ka jaray Isbitaalka Ciidamada Jubbaland

83
Madaxweynaha Dowladda Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta xarigga ka jaray Isbitaalka Ciidamada Jubbaland oo ay Dowladda ka hirgalisay dhawaan agagarka dugsiga tababarka Ciidanka Daraawiishta Jubbaland.
Munaasabadda xarig jarka Isbitaalka waxaa Madaxweynaha kuwelinayay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Jubbaland Eng Ismaaciil Axmed Garas, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka, Gudoomiyaha degmada Kismaayo Cumar Cabdullaahi Maxamed, Saraakiil Ciidan iyo qaar kamida howlwadeenada Isbitaalka ka shaqayn doona.
Isbitaalka Ciidamada ee uu maanta xarigga ka jaray Madaxweynaha Dowladda Jubbaland ayaa ahaa mid si wayn baahi loogu qabay islamarkaana hadda dabooli doono baahiyaha dhanka caafimaad ee qeybaha kala duwan ee Ciidamada Jubbaland.
Isbitaalka Ciidamada ee xarigga laga jaray ayaa ah isbitaal si casri ah loo dhisay loona dhameeyay wax walbo oo uu Isbitaal u baahna, qololkii qaliimada fud-fudud iyo kuwa culus lagu sameen lahaa ayaa la diyaariyay, iyo guud ahaan qeybihii kale ee muhiimka ahaa.