Ciidamada dowladda oo howlgal oo ku dilay xubno ka tirsan Ururka Al-shabaab.

973

Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegay in howlgal ay ka fuliyeen ciidamada deegaanno hoostaga degmada Balcadn ay ku dileen xubno ka tirsan Ururka Al-shabaab.

 Al-shabaab ayaa fariisimo ku leh deegaanno hoostaga degmada Baclad ee gobolka Shabeellaha Dhexe iyaga oo dhowr jeer oo hore weerarro kala duwan oo ay ka geysteen degmadaasi,waxaayna  ku dileen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Howlgalkan ay fuliyeen ciidamada dowladda ayaa ahaa mid qorsheysan sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada, iyaga oo intaa ku daray in ay sii socon doonaan ilaa Al-shabaab laga saarayo deegaannada ay gacanta ku hayaan.